Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Itoobiya oo Dhax dhaxaadineysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe.

Itoobiya oo Dhax dhaxaadineysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ,ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, safar aan horey loo sii shaacin ku gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas uu kulamo kula qaadan doono madax katirsan dowladda Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa la sheegay in uu casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la sheegay in Abiy uu doonayo in xal u raadiyo xiisada meesha xun gaartay ee u dhaxeysa Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Itoobiya, ayaa dooneysa in markan iyada loo dhaafo xal u helida khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, maadaama dowladda Kenya kusoo fashilantay wadahadalkii ay garwadeynka ka aheyd ee dhax maray labada hoggaamiye ee is diidan.

Xukuumadda Adis Ababa, ayaa lagu warramayaa in ay kasoo horjeedo in maamul cusub oo Jubbaland ah looga dhawaaqo gobolka Gedo, qorshahaas oo hadda wado dowladda Federaalka Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Itoobiya, ayaan la ogeyn sida ay xal ugu heli karto khilaafka xargaha goostay ee u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, Kenya ayaana gacanta ka taagtay in xal u hesho khilaafkan, inkastoo Kenya ku guuleesatay in labada hoggaamiyo is hor fariisiso.