Wasiirka Caafimaadka oo Xog cusub ka bixiyey fadeexadii Isbital Banaadir
Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo ay wehliyaan Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif iyo Gudi-hoosaadka Caafimaadka ayaa kormeer shaqo ku ragay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali xaaji Aadan iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda.
Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay wasiirka, isagoo aad ugu dheeraaday, dhacdadii dhawaan kad hacday irida hore ee isbitaalka oo hooyo Soomaaliyeed ku hor umushay dhacdadaas oo badashay quluubta umadda Soomaaliyeed iyo madaxda dalka iyo sidoo kale talaabada uu arinkaas ka qaatay isagoo caddeeyay in masuuliyaddaas isla xisaabtankeedu uu socddo.
wasiirka ayaa guddiga la wadaagay inuu Isbitaalka udiyaarsan yahay qeybaha kala duwan ee lagu Daryeelo Bukaanada, sida Hooyada iyo dhalaanka cudurada guud,qeybta gargaarka degdega ah, nafaqo darida caruurta, iyo qeybta la-tacaalida cudurada HIV iyo Cancer-ka, ayadoo uu qeyb walba oo kamid ah qeybahaasi ay leeyihiin dhaqaatiir si gaar ah ugu taqasustay.
Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan caqabado ubaahan in la xaliyo oo ay ugu horreeyaan shaqaalaha oo yar iyo bukaanada loo shaqeeyo oo aad u badan sidaasina ay marmarka qaar bukaanaddu ay ku dheeraato shaqadda loo qabanaayo.
Intaasi kadib, Guddiga ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka iyagoo mid mid u wareystay bukaanada Isbitaalka ku jita.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahadcelisay kuna dhiiragelisay shaqada wanaagsan ee ay qaranka Soomaaliyeed uhayaan howlwadeenada kala duwan ee ka howlgala isbitaalka, sidoo kalena ay dowr wanaagsan ka qaadan doonaan sidii loo horumarin lahaa, loona dabooli lahaa, baahiyaha kajira Isbitaalka.