Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Geelle oo ka hadlay sababta uu markii 6aad isku soo sharaxay

Madaxweyne Geelle oo ka hadlay sababta uu markii 6aad isku soo sharaxay

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si rasmi ah mar kale isu sharraxay xilka madaxtinimada dalkaas, isagoo markan u tartamaya muddadii lixaad tan iyo markii uu talada dalka qabtay sannadkii 1999-kii.

Xisbiga talada haya ee (RPP) ayaa si rasmi ah u magacaabay Madaxweyne Geelle inuu noqdo musharraxooda rasmiga ah ee doorashada soo socota, taasoo la filayo inay qabsoonto sannadka 2026.

Madaxweyne Geelle, oo hadda da’diisu ku dhowdahay 80 sano, ayaa sheegay in uu codsiga musharaxnimadiisa uu ka jawaabayo baaq ka yimid shacabka Jabuuti, kuwaas oo sida uu sheegay ka codsaday inuusan talada ka tegin, balse uu markale isu sharraxo xilka madaxtinimada.

Sannadkii 2021-kii, intii lagu jiray ololihii doorashada, ayuu sidoo kale sheegay in shacabka dalkiisu ay ku dhiirrigeliyeen inuu sii wado hoggaaminta dalka,

Dhowaan Baarlamanka dalkaas ayaa bedelay qodob la xiriira da’da oo Madaxweyne Geelle ka hor istaagi lahaa inuu mar kale kursiga u tartamo.