Maxkamada Arusha oo diiday Xildhibaanadii Somalia u dirtay Baarlamanka EAC
Maxkamada Bariga Africa ayaa joojisay in la dhaariyo sagaal xubnood oo Soomaaliya uga mid noqon lahaa Baarlamaanka Bariga Afrika, xubnaha ayay ahayd in talaadada soo socota la dhaariyo ayna kubiiraan Golaha Baarlamaanka ee Arusha fadhiya.
Dokumendi maxkmadda ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya ay hadda haysato 45 maalmood oo ay kiiskan uga soo jawaabto.
Dokumentiga maxkamada ayaa lagu sheegay in qaabkii loo soo doortay xubnaha aysan waafaqsanayn nidaamka u yaalla Baarlamaanka Bariga Afrika.
Arrinkan ayaa fadeexad ku noqonaya dowladda Soomaaliya oo mardhow uun ku biirtay Bulshada Bariga Africa.
Dacwada laga gudbiyay sagaalka xubnood ee Soomaaliya matali lahaa ayaa waxaa geeyey maxkamada muwaadiniin Soomaali ah oo gudbiyey cadaymo muujinaya in dowlada Soomaaliya ay iyadu qoratay dadkii ay u rabtay inay soobaxaan.
Amb Maxamed Cawil oo ka mid ahaa aqoonyahanadii dacwadda ka gudbiyay Soomaaliya ayaa SMS u sheegay in ay magdhow ka rabaan dowladda Soomaaliya maadaama xuquuqdooda sharci meel looga dhacay.