Dowladda Burkina Faso oo dib u soo celisay xukunka dilka ah
Golaha Wasiirrada Burkina Faso ayaa ansixiyay hindise-sharci oo dib loogu soo celinayo xukunka dilka ah ee dadka geysta dambiyada khiyaanada qaran, argagixisada iyo basaasisnimada.
Wasiirka Caddaaladda, Edasso Rodrigue Bayala, ayaa sheegay in talaabadani qayb ka tahay dib-u-habeynta nidaamka garsoorka ee ay dowladdu waddo.
Hindise-sharcigan cusub waxa uu weli u baahan yahay ansixinta baarlamaanka iyo maxkamadaha sare ka hor inta aanu dhaqan gelin.
Tan iyo afgambigii 2022-kii, xukuumadda militariga ah ayaa dib u dhigtay doorashooyinkii dalka, waxayna kala dirtay guddigii doorashooyinka.
Sidoo kale, waxay adkaysay xakamaynta warbaahinta, iyadoo joojisay shaqada idaacado iyo telefishinno caalami ah, isla markaana xiray wariyayaal dhowr ah.
Burkina Faso waxay ka mid tahay dalalka Galbeedka Afrika ee uu ka dhacay afgambi militari, xukunka dilka ah ayaa dalkaasi laga joojiyay sanadkii 2018-kii.