Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Iscasilay Sababo La Xiriira Xiisadda Boorama

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Iscasilay Sababo La Xiriira Xiisadda Boorama

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa caawa si rasmi ah uga tegay xilkiisii, isaga oo noqday xubintii ugu horreysay ee golaha wasiirrada ee iska casila xukuumadda Madaxweyne Cirro, xilli ay xukuumaddu buuxinayso sannadkeedii ugu horreeyay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wasiirka—oo asal ahaan ka soo jeeda Boorama—uu is casilay isaga oo la dareen noqday shacabka deegaankaasi, maadaama xaaladda ka taagan Boorama ay wali cakiran tahay.

Go’aankiisa waxaa loo arkaa jawaab toos ah oo ku aaddan dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay Boorama, kuwaas oo kiciyay caro bulsho iyo xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya.

Iscasilaadda Wasiir Ayaanle ayaa ah arrin saameyn weyn ku yeelatay xukuumadda, iyadoo la isweydiinayo sida ay u saameyn doonto midnimada gudaha iyo cawaaqibka siyaasadeed ee ka dhalan kara xiisadda Boorama.

Waxa la filayaa in saacadaha soo socda ay kasoo baxaan falcelinno ka iman doona madaxtooyada iyo golaha wasiirrada.