Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS oo Ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka 2026

Xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS oo Ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Baarlamaanka, halkaas oo ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026.

Miisaaniyadda la ansixiyey ayaa gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba dollar). Codka ansixinta ayaa muujiyey in 174 xildhibaan ay ogolaadeen, afar xildhibaan ay diideen, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shaaciyey in miisaaniyaddan ay noqon doonto hagaha dhaqaalaha iyo kharashaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadka 2026, iyadoo la filayo inay taageerto hirgelinta qorshayaasha horumarineed iyo adeegyada aasaasiga ah ee dalka.