Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Wang Yi iyo wafdi la socda ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho, waxaa Caasimadda ka socda diyaargarowga soo dhaweyntiisa iyada oo sare loo qaaday amniga.

Wafdiga ayaa marka uu Magaalada Muqdisho soo gaaro waxa uu la kulmayaa Madaxda Sare ee Dowladd Federaalka iyaga oo kawada hadlaya Xoojinta Xiriirka Shiinaha iyo Shiinaha, ka dhiidhinta xadgudubka dhuleed iyo arrimo kale.

Ilo ku dhow safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa ku warramaya in Xukuumadda Beijing ay saxiixi doonno heshiisyo cusub oo ay la galayso dhiggeeda Muqdisho halka sidoo kale la dardargelin doonno kuwo hore.

Shiinaha waxa uu kamid yahay dalalka safka kasoo galay Waddamada kahor yimid in la farageliyo Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dalkaan kursiga joogtada ah ka haysta Golaha ammaanka ayaa soo jeediyay in arrimaha Soomaalida aan la faragelin.