Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh dirtay Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in gogosha wadashiga ay qabsoomi doonto 1 bisha Febraayo ee soo socota, isla markaasna diiradda lagu saari doono arrimo la xiriira xoojinta midnima dalka, hirgalinta nidaam dimuqoraadi ah oo ku saleysan isu tanaasul.

Sidoo kale, Xukumadda ayaa u xilsaartay qaban-qaabada iyo diyaarinta shirkan guddi wasiirro ah oo uu hormuud u yahay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud.

Dowladda ayaa ugu baaqday hoggaanka iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed inay dhankooda soo magacaabaan xubnihii kala shaqayn lahaa guddiga xukuumadda qaban-qaabada shirkaan wadatashiga ah.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo bishii hore shir ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay qabato kulan wadatashi ah inta aan la gaarin 20 Janaayo ee 2026.