Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika oo Fasaxday Xildhibaanada Soomaaliya ee EALA
Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika ayaa fasaxday xildhibaanadii dhawaan la soo xulay, iyadoo amartay in si degdeg ah loo dhaariyo si ay Soomaaliya uga metelaan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA).
Xukunka ayaa meesha ka saaray murankii ka dhashay habraaca soo xulista xildhibaanada, waxaana la filayaa in tallaabadan ay dardar geliso ka-qaybgalka rasmiga ah ee Soomaaliya ee howlaha Baarlamaanka.