Koofur Afrika oo sheegtay in ay markasta ilaalinayaan midnimada Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali Dhaay, ayaa magaalada Pretoria kulan gaar ah kula qaatay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika, Ronald Lamola.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ku qotoma dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa intii uu kulanku socday uga mahadceliyay Dowladda Koonfur Afrika taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay qarannimada Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Koofur Afrika ayaa sheegay in ay markasta ilaalinayaan midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, xilli ay kulan gaar ah yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee labada dal.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku raacay inay sii wadaan wada-shaqqeynta iyo is-waafajinta mowqifyada ay ka wadaagaan fagaarayaasha goboleed iyo kuwa caalami ah, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo qorshayaasha horumarka waara ee qaaradda Afrika iyo dunidaba.