19 ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka oo ganaax culus lagu riday
Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa soo saaray go’aan rasmi ah oo ka dhan ah ka-qeybgalka fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka, kaddib qalalaasihii siyaasadeed iyo fowdadii ka dhacday fadhigii wadajirka ahaa ee Baarlamaanka, kaas oo qabsoomay 2-dii Febraayo, 2026.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii fadhigaasi uu isu beddelay muran xooggan, hadallo kulul iyo ku xadgudub xeerhoosaadka Baarlamaanka, taasoo si toos ah u carqaladeysay habsami u socodkii shaqada sharci-dejinta iyo kala dambeynta Golaha.
Ilo-wareedyo ku dhow hoggaanka Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in qalalaasahaasi uu saameyn taban ku yeeshay jawigii shaqo ee Golaha, islamarkaana ay soo baxeen cabashooyin ku saabsan ku xadgudubka anshaxa xildhibaanimada, qawaaniinta fadhiyada iyo ixtiraamka hoggaanka Golaha.
Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa go’aankiisa ku sababeeyay baahida loo qabo ilaalinta sharafka Baarlamaanka, xasilloonida fadhiyada, iyo in la hubiyo in kulamada Golaha ay ku socdaan si waafaqsan dastuurka iyo xeerhoosaadka u degsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, go’aanka ayaa lagu tilmaamay mid hordhac u ah tallaabooyin kale oo maamul iyo edbin ah oo laga qaadi karo xubno lagu eedeeyay inay door ka qaateen fowdada iyo qalalaasaha ka dhacay fadhiga wadajirka ah, iyadoo la filayo in guddiyo baaritaan ah loo saaro dhacdadaasi.
Dhacdadan ayaa imaneysa xilli Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo khilaafaad gudaha ah oo la xiriira ajandayaasha horyaalla, kuwaas oo u baahan jawi shaqo oo degan si loo sii ambaqaado howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka xukuumadda.
Ugu dambeyn, go’aankan ayaa abuuray falcelin kala duwan, iyadoo xildhibaano qaar ay ku tilmaameen mid lagama maarmaan u ah soo celinta kala dambeynta Golaha, halka kuwo kalena ay walaac ka muujiyeen saameynta uu ku yeelan karo hawlaha Baarlamaanka haddii uu muddo sii dheeraado.

