Xildhibaannada Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Dallada Bulshada Afrika oo maanta la dhaariyay
Magaalada Carusha ee Dalka Tanzania waxaa maanta lagu dhaariyay Xildhibaannada Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ee loosoo gaabiyo (EALA) kaddib markii ay kasoo gudbeen shuruudihii horyaallay.
Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in tallaabadaan ay guul siyaasadeed u tahay Dowladda Federaalka iyo Shacabka oo xubno ku yeeshay Baarlamaanka EALA.
Soomaaliya oo ku biirtay Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee (EAC) ayaa buuxisay xubnaha ururkaas iyada oo si joogta ah uga qaybgasha shirarka looga hadlayo arrimaha ururkaan maadaama ay xubin ka tahay.
Xubnaha Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EALA) ayaa ku yimid doorasho dhexmartay musharrixiinta oo ugu dambayn ay ku guulaysteen xubnahaan la dhaariyay ee sida rasmiga ah ugu biiraya Baarlamaankaas.