Laftagareen oo Shacabka Koofur Galbeed ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan Adkaynta Amniga
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo salaadda Ciidda la tukaday Magaalada Baydhabo ayaa shacabka ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan maamulkiisa adkaynta Amniga.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa sidoo kale usoo jeediyay Dadka wax haysta in ay caawiyaan qoysaska barakacayaasha ah si ay qayb uga qaataan farxadda Ciiddul-fitriga oo maanta ah maalintii koowaad.
Laftagareen ayaa sheegay in muhiimad ah ay u leedahay xasiloonida iyo adkaynta nabadgalyada isaga oo soo jeediyay in la dardargeliyo horumarinta deegaannada maamulkaas iyo dib u dhiska deegaannada sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa dhexda uga jira xiisado siyaasadeed oo ka jira deegaannada Maamulkiisa iyada oo dhowaan sidoo kale uu maamulkaas qaatay go’aan ah in uu joojiyay wadashaqaynta kala dhaxaysa Dowladda Federaalka.