Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Caleemo saar kulmiyey Madaxda DF & Mucaaradka oo ka socda Muqdisho

Caleemo saar kulmiyey Madaxda DF & Mucaaradka oo ka socda Muqdisho

Magaalada Mogadishu ayaa maanta martigelinaysa munaasabad ballaaran oo lagu caleemo saarayo Ugaaska cusub ee beesha Murusade, kaas oo ah Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade.

Xafladda oo si heer sare ah loo abaabulay ayaa ka socota teendhada caanka ah ee Afiyosooni Tent, halkaas oo ay isugu yimaadeen madax qaran, siyaasiyiin, isimmo dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabaddan caleemo saarka ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiinta mucaarad ah iyo odayaal dhaqameed ka kala yimid guud ahaan deegaannada ay Soomaalidu degto ee Geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka muuqda isimmo dhaqameedyo iyo waxgarad ka kala socda gobollada kala duwan ee dalka, kuwaasi oo muujinaya muhiimadda ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay hoggaanka dhaqanka, gaar ahaan xilliyada xalinta khilaafaadka, dib-u-heshiisiinta iyo ilaalinta dhaqanka soo jireenka ah.

Khudbado kala duwan oo laga jeedinayo munaasabadda ayaa diiradda saaraya doorka hoggaanka dhaqanka ee nabadeynta bulshada, xal u helidda colaadaha beelaha iyo taageeridda dowlad dhiska dalka. Siyaasiyiin iyo waxgarad hadallo ka jeedinaya madasha ayaa tilmaamaya in isimada dhaqanka ay laf-dhabar u yihiin wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.

Caleemo saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa imanaya kadib diyaar garow muddo dheer socday, waxaana loo arkaa dhacdo muhiim ah oo isku keentay hoggaanka siyaasadda iyo dhaqanka dalka, xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo dib-u-heshiisiinta bulshada ah.