Saciid Deni: Ma fara gelinayo xulista Xildhibaanada federaalka”
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay inuusan faragelin doonin habka lagu soo xulayo xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya marka la gaaro doorashada soo socota, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrintaasi ay si buuxda ugu xirnaan doonto beelaha leh kuraasta.
Deni oo hadal ka jeediyay kulan uu xalay la yeeshay qaar kamid ah waxgaradka iyo haldoorka Puntland ayaa sheegay in marar badan lagu eedeeyay inuu saameyn ku yeeshay xulista xubnaha Baarlamaanka Federaalka, balse hadda uu doonayo inuu ka fogaado eedahaas. Wuxuu sheegay in beel kasta ay xor u noqon doonto inay soo doorato ama soo magacaabato shakhsiga ay rabto inuu ku matalo Baarlamaanka Federaalka.
“Waan ogahay in marar badan la igu eedeeyay in aan kuraasta faragelin ku sameeyay. Hadda waxaan leeyahay dadka u sheega in aanan mar dambe arrintaas faragelin doonin, beelaha ayaana si madax bannaan u soo xulan doona cidda ay doonayaan,” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay weli wajahayo muran siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa hirgelinta nidaamka qof iyo cod, halka qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiin mucaarad ah ay weli taageersan yihiin in dib loogu laabto doorasho dadban oo ku saleysan nidaamkii hore.
Sidoo kale xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiin kale ayaa si cad uga hor yimid hannaan doorasho oo aysan dhinacyadu isku waafaqsaneyn, iyagoo ka digaya in khilaafka doorashada uu sababi karo jahwareer siyaasadeed oo cusub.
Hadalka Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo arkaa fariin siyaasadeed oo muujinaysa inuu doonayo inuu iska fogeeyo eedaha la xiriira saameynta kuraasta Baarlamaanka, xilli dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo la xiriirta hannaanka doorashooyinka soo socda.