Wada hadalada Mucaaradka iyo DFS oo gaaray Meel xasaasi ah.
Wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa la filayaa in dib loo furo maalinta Isniinta oo ku beegan 20-ka bishan, kaddib markii guddiyada labada dhinac ay saacadihii lasoo dhaafay yeesheen kulamo gooni-gooni ah oo la xiriiray la-tashiyo ay la sameeyeen dhinacyada ay matalaan.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in guddiyada wada-hadallada ay kulamadooda gaarka ah kaga arrinsadeen qodobada muhiimka ah ee horyaalla wada-hadallada, iyo mowqifyada ay labada dhinac ka qabaan arrimaha siyaasadeed ee weli la isku hayo.
Kulanka Isniinta ayaa la filayaa in lagu sii ambaqaado doodihii hore, iyadoo labada dhinac ay isku dayi doonaan inay dib ugu laabtaan qodobadii wada-hadallada hakadka galay.
Xubno ka tirsan guddiga mucaaradka ee wada-hadallada ku matalaya, kuwaas oo safar dibadda ah ku maqnaa, ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho si ay uga qeyb galaan kulanka la qorsheeyay.
Si kastaba, warar hoose oo laga helayo ilo ku dhow wada-hadallada ayaa tilmaamaya in kulanka Isniinta uu wajahayo caqabado siyaasadeed oo waaweyn, iyadoo ay jirto suurtagalnimo ah in labada dhinac ay ku kala tagaan isfaham la’aan.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in haddii aan la isku soo dhowaan mowqifyada dowladda iyo mucaaradka, ay adkaan karto in la gaaro heshiis, taas oo halis gelin karta sii socoshada wada-hadallada.
Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa Muqdisho ku yeelan doona dood adag, xilli labada dhinac ay isku dayayaan inay xal ka gaaraan khilaafaadyo siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay. Kulanka Isniinta ayaa sidaas darteed loo arkaa mid muhiim ah oo go’aamin kara jihada ay qaadaan wada-hadallada.