UK oo Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadashay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Mucaaradka.
Boqortooyada Midowday (UK) ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, kaddib booqashadii dhowaan ay dalka ku timid Wasiir McNeill.
Intii ay booqashada ku jirtay, McNeill waxay la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xoogga saartay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka kala-guurka amniga, hub-ka-dhigista iyo dib-u-habaynta siyaasadda.
Waxay madaxda Soomaaliyeed ku boorrisay inay wadahadal iyo wada-tashi ka yeeshaan sidii loo xoojin lahaa midnimada, xasilloonida iyo amniga dalka, kuwaas oo muhiim u ah sii socoshada taageerada caalamiga ah.
UK ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay xasilloonida Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto la shaqeynta dowladda, bulshada iyo hay’adaha bulshada rayidka ah si loo horumariyo nabadda iyo barwaaqada.
UK waxay sidoo kale diyaar u tahay inay ciidamada ammaanka Soomaaliya ka taageerto UNSOS, iyadoo gacan ka geysanaysa hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
UK ayaa sheegtay in horumar laga sameeyo wada-hadalka siyaasadeed iyo kala-guurka amniga uu muhiim u yahay sii socoshada taageerada iyo gargaarka mustaqbalka.
Gargaarka UK ay hadda bixiso waxaa ka mid ah cunto, teendhooyin, agab caafimaad iyo adeegyada daad-gureynta.
UK waxay weli tahay saaxiib iyo taageere Soomaaliya, iyadoo la shaqaynaysa dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay iyo bulshada rayidka ah si loo xoojiyo xasilloonida iyo horumarka dalka.