Maxaa looga hadlay kulankii Maanta ee Golaha shacabka BFS?
Mudanayaasha Golaha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 16-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn, Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa u codeeyey laba xubnood oo ka banaaneyd Guddiga Madaxa Banaan ee Dib U eegista iyo Hirgelinta oo ay soo gudbisay wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana wasiirka wasaaradaasi Mudane Xasan Macallin Maxamuud uu golaha warbixin ka siiyey shaqsiyaadka ay u wasaaradiisa usoo xushay ka mid noqoshada Guddiga Madaxa Banaan ee Dib U eegista iyo Hirgelinta, wuxuuna golaha ka codsaday in ay si kalsooni leh codkooda u siiyaan.
Intaasi ka dib, mudanayaasha Golaha ayaa i codeeyey labada xubnood ee ay soo gudbisay wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana ogolaatay 124-Xildhibaan, waxaa diiday 21-Xildhibaan laba Xildhibaanna waa ay ka aamuseen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhowaaqay natiijada codeynta.
Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhameystiray Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Gaashaandhiga, kaasoo Xildhibaanada Golaha Shacabka ay horre usoo bilaabeen Akhrintiisa koowaad.
Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ka dooday dhibaatada Burcad badeedda iyo saameynta ay ku yeelatay Bulshada Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu sheegay in Burcad badeedda ay saameyn weyn ku leedahay xasilloonida Gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka kula dardaarmay in ay joogteeyaan ka qeyb galka fadhiyada golaha si uu goluhu u guto waajibaadka ay ka sugayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta Akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka sharciga Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka.