Munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca warshadda sifeynta shidaalka ee Dangote East Africa Petroleum Refinery ee Lamu, Kenya kaas oo ku kacaya 16 bilyan oo dollar ayuu Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ku sheegay inuu taageersan yahay mashruuca, balse aysan Uganda maalgelin ku samayn doonin xilligan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Uganda ay sii wadi doonto qorshayaasha ku aaddan warshadeeda sifeynta shidaalka ee Hoima, taas oo ka yar tan Lamu.
Ka hor inta uusan go’aan ka gaarin ka qaybqaadashada mashruuca Lamu, Museveni wuxuu sheegay inuu doonayo inuu kala tashado Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan xaaladda warshadda sifeynta shidaalka ee gobolka Tanga-Tanzania, kaas oo horay looga wadahadlay dhismihiisa. Wuxuu ammaanay Ruto dadaalka uu ku helay maalgelinta Aliko Dangote, isagoo xusay in mas’uuliyiin ka tirsan Uganda iyo Tanzania ay horay uga dalbadeen laaluush bilyaneerka dhisaya Warshadda Sifaynta Batroolka ee Lamu.
Warshadda Lamu, oo uu hoggaaminayo Dangote, ayaa loo qorsheeyay inay sifeyso 700,000 oo foosto oo shidaal ah maalintii, iyadoo u adeegaysa Bariga Afrika isla markaana yareynaysa ku-tiirsanaanta gobolka ee shidaalka dibadda laga keeno.


