Monday, October 12, 2026
HomeWARARKADowladda Soomaaliya oo dhaqan galisay amar saameeyay isku socodka Diyaaradaha Muqdisho iyo...

Dowladda Soomaaliya oo dhaqan galisay amar saameeyay isku socodka Diyaaradaha Muqdisho iyo Garoowe

Guud ahaan dalka waxaa maanta ka dhaqan galay Amarka Dowladda Federaalka ee in qofkasta oo raacaya Diyaaradaha ku safraya gudaha wadanka inuu wato Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Tillaabadan ayay Dowladda Federaalka sheegtay in ay uga goleedahay sidii loo ilaalin lahaa Amniga dalka iyo la socodka dhaqdhaqaaqa Muwadiniinta Soomaaliyeed.

Sida ilo xog ogaal ah inoo sheegeen amarkaan ayaa saameeyay Duulimaadyada diyaaradaha Muqdisho iyo Garoowe, iyadoo qaar kamid ah safarada maanta ay baaqdeen.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ee ku saabsan hirgelinta adeegyada aqoonsiga qaranka.

Puntland ayaa hore uga hortimid in Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ay xarun ka furato deegaannada maamulkaasi, taas oo caqabad ku noqotay helida shacabka ee adeegga aqoonsiga.

Dowladda Federaalka ayaa hore u dhaqan-gelisay shuruud la mid ah tan oo quseysa dadka raacaya diyaaradaha caalamiga ah, kuwaas oo laga doonayo inay wataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments