Sunday, October 11, 2026
HomeWARARKAGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan muhiim ah kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Dalka Kenya, Mudane Moses Wetang’ula.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga baarlamaannada, is-weydaarsiga waayo-aragnimada iyo kobcinta aqoonta hay’adeed, waxaana labada dhinac ay adkeeyeen doorka labada Baarlamaan ee metela danaha iyo himilooyinka labada shacab, iyo muhiimadda xiriir ku dhisan is-ixtiraam, is-afgarad iyo dano wadaag, kaas oo horseeda nabad, xasillooni iyo horumarka labada dal iyo guud ahaan gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments