Sunday, October 11, 2026
HomeWARARKAMadaxweynaha Somalia oo maanta Masar uga qaybgalaya shirka madasha Africa.

Madaxweynaha Somalia oo maanta Masar uga qaybgalaya shirka madasha Africa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar kaga qaybgalaya Madasha Al-Calamayn Afrika Forum, oo maanta si rasmi ah u furmaysa.

Madasha waxaa furaya Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka Afrika, dhiirrigelinta maalgashiga, kobcinta ganacsiga iyo dardargelinta horumarka qaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda iyo wakiillada dalalka Afrika ayaa ka wada hadlaya fursadaha maalgashi, kobcinta xiriirka ganacsi iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa fursad u ah dalka inuu soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo in la xoojiyo xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka Afrika.

Inta uu ku sugan yahay Al-Calamayn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo doceedyo la yeelanaya madaxda Masar iyo hoggaamiyeyaasha kale ee ka qaybgalaya madasha, iyadoo kulamadaasi diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar iyo iskaashiga labada dal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments