Sunday, October 11, 2026
HomeWARARKAHay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo Beenisay Wararka Xiritaanka Garoonka Aadan Cadde

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo Beenisay Wararka Xiritaanka Garoonka Aadan Cadde

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) waxay shacabka ku wargelisay in howlaha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ay si caadi ah u socdaan, iyadoo dhammaan duulimaadyada jadwalkoodu yahay kuwo shaqeynaya waqtigooda loo qorsheeyay.


Hay’addu waxay si cad u beenisay wararka sheegaya in garoonka la xiri doono maalmaha soo socda, iyadoo sheegtay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal lahayn oo aanay soo saarin cid rasmi ah.


Shacabka waxaa loogu baaqay inay xogta saxda ah ee ku saabsan duulimaadyada iyo howlaha garoonka ka raadsadaan oo keliya kanaalada rasmiga ah ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Screenshot
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments