Saturday, October 10, 2026
HomeWARARKATaliyihii Saldhigga Booliiska Faafi oo ku dhintay qarax Miino

Taliyihii Saldhigga Booliiska Faafi oo ku dhintay qarax Miino

Taliyihii Booliiska Kenya ee Saldhigga Faafi iyo mid kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhintay qarax miino oo haleelay gaarigiisa xili uu ku safrayay waddada u dhaxaysa Deegaannada Saretho iyo Bogyar sida ay ku warrameen saraakiil amni.

Gaariga ayaa dulmaray Miinada oo lagu sii aasay waddada, waxaana markii uu qaraxa dhacay kaddib goobta gaaray Ciidamo isugu jira kuwa Kenya u qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, Kooxaha la dagaalamo Miinooyinka iyo kuwo kale.

Saraakiil katirsan Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa AS ku eedeeyay mas’uuliyadda qaraxaas, waxaana ay ku goodiyeen in ay dabagal ku samaynayaan si loo soo qabto dadkii ka dambeeyay qaraxa ama wax ka ogaa sida hadalka loo dhigay.

Waddada uu qaraxa ka dhacay sidaan oo kale ayaa dhowr jeer qaraxyo iyo weeraro jid ah waxaa ka fuliyay kooxo katirsan AS oo Kenyaan ah kuwaas oo qaarkood la qabtay halka kuwo kale ay ka baxsadeen ciidamada ammaanka oo howlgallo qorsheysan halkaas ka fuliyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments