Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Mucaaradka Kenya oo walaac ka muujiyay hannaanka doorashada 2027

Mucaaradka Kenya oo walaac ka muujiyay hannaanka doorashada 2027

Xubnaha mucaaradka Kenya ee doonaya isbeddel siyaasadeed ayaa walaac ka muujiyay hannaanka diyaarinta doorashada guud ee dalkaas, oo la qorsheeyay inay dhacdo sannadka 2027-ka.
Hoggaamiyaha xisbiga Wiper, Kalonzo Musyoka, ayaa sheegay inaysan jirin calaamado muujinaya in doorashada soo socota ay u dhici karto si xor iyo xalaal ah, isla markaana ka madax-bannaan musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin.

Kalonzo ayaa ku baaqay in wax laga qabto tabashooyinka mucaaradka, isagoo ka digay khataraha la xiriira ku takrifalka hantida dowladda, awood sheegashada siyaasadeed iyo suuragalnimada in Guddiga Doorashooyinka loo leexiyo dano gaar ah.

Mucaaradka Kenya ayaa sheegay inay cabashooyinkooda u gudbiyeen dhinacyo kala duwan, iyagoo ku adkeystay inaysan aqbali doonin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa kalsoonida codbixiyeyaasha ama horseedaysa ku takrifal lagu sameeyo dhaqaalaha qaranka.

Walaaca mucaaradka ayaa imaanaya iyadoo ay sii xoogeysanayaan doodaha siyaasadeed ee ku saabsan diyaarinta doorashada guud ee Kenya ee 2027-ka.