Dowladda Federaalka oo Cabdifataax Afrax, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, u sharraxday Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle
Dowladda Federaalka ayaa Cabdifataax Xasan Afrax, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, u sharraxday xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle. Waxa sidoo kale la guddoonsiiyay kaarka murashaxnimada xisbiga JSP.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka dhaqanka ee Hiiraan ay doonayeen inuu noqdo hoggaamiyaha maamulka, iyagoo ka soo horjeeday inuu mar kale noqdo Madaxweyne Ku-xigeen.
Cabdifataax Xasan Afrax ayaa loo guddoonsiiyay kaarka murashaxnimada xisbiga JSP ee xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle.


