Kulanka oo ka tirsan Group C ayaa lagu ciyaaraya garoonka Stade Félix Houphouët-Boigny ee magaalada Abidjan, waxaana la filayaa inuu bilaabmo 10:00-ka fiidnimo, waqtiga Soomaaliya.
Ocean Stars ayaa kulankoodii koowaad ee Group C guuldarro 2–1 ah kala kulmay xulka Gambia, waxayna caawa doonayaan inay kasoo kabtaan natiijadaas, iyagoo wajahaya xulka Côte d’Ivoire oo ka mid ah xulalka taariikhda iyo waayo-aragnimada dheer ku leh kubadda cagta qaaradda Afrika.
Inkasta oo Côte d’Ivoire ay leedahay ciyaartoy khibrad leh iyo taariikh muuqata oo kubadda cagta Afrika ah, haddana xulka Soomaaliya ayaa garoonka u gelaya inuu muujiyo horumarka kubadda cagta dalka, isla markaana uu raadiyo natiijo wanaagsan oo ay ku farxaan mucaashiqiinta kubadda cagta Soomaaliya.


