Warbixin uu baahiyay wargeyska New York Times oo xiganaysa ilo sirdoon ayaa lagu sheegay in tan iyo bilowgii Agoosto, Iiraan ay toddobaad kasta fulisay ku dhowaad 30 weerar oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah iyo 10 weerar oo gantaallo ah oo maraakiibta lagu weeraro. 10-kii maalmood ee la soo dhaafay, ugu yaraan afar markab oo ganacsi ah ayaa la weeraray.
Sidoo kale, ciidamada badda Ingiriiska ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen ugu yaraan 13 markab oo ay ku dhaceen gantaallo ama burbur ka dhashay weerarro, tan iyo 10 September.


